Home » Maxaa Cusub » Video + Sawiro: Xidig U Dhintay Dhaawac Madaxa Kasoo Gaaray Horyaalka Hindiya

Video + Sawiro: Xidig U Dhintay Dhaawac Madaxa Kasoo Gaaray Horyaalka Hindiya


Indian

Xidig ka ciyaara horyaalka Hindiya ayaa geeriyooday maalmo kadib markii dhaawac madaxa ah uu kasoo gaaray dabaal dag uu si qalad ah u sameeyay.

Peter Biaksangzuala ayaa ku dhintay isbitaalka Axadii kadib markii uu dhaawac madaxa ah kasoo gaaray kulan ay kooxdiisa la ciyaareysay Bethlehem Vengthlang wuxuuna kulan u dhaxeeyay laba kooxood oo ka socda gobolka Mizoram.

Peter Biaksangzuala oo 23-jir ah ayaa dhaliyay daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta gool babaro u keenay kooxdiisa kulan dhacay talaadadii, balse wuxuu sameeyay dabaal daga uu caanka ku yahay Miroslav Klose oo ah kala gadoonka, balse si xun ayuu dhulka ugu dhacay isagoo hormarsaday madaxa.

Ciyaartoyda kooxdiisa ayaa gartay dhaawaca xidigaan soo gaaray kuwaas oo gar-gaar u dalbay, iyadoo ugu dambeyn la geeyay isbitaalka Aizawl Civil Hospital waxaana lagu cadeeyay in xidigaan maskaxda uu dhaawac kasoo gaaray balse isku daygii ay sameeyeen dhaqaatiirta laguma guuleysan oo Axadii ayuu geeriyooday.

DAAWO MUUQAALKA:

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>