Home » Maxaa Cusub » Vladimir Putin Oo Ka Hadlay Koobka Aduunka 2018 Ee Russia Marti Galin Doonaan Iyo Ciilka Ingiriiska Hayo!!

Vladimir Putin Oo Ka Hadlay Koobka Aduunka 2018 Ee Russia Marti Galin Doonaan Iyo Ciilka Ingiriiska Hayo!!


download

Madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin ayaa sheegay in dalka uu hogaamiyo ay si xalaal ah ku heleen marti galinta tartanka koobka aduunka ee sanada 2018 lagu balansan yahay in dalka Russia lagu qabto.

Sidoo kale Vladimir Putin ayaa dhaliilay siyaasada ay dalka Ingiriiska adeegsanayaan iyo been abuurka ay wadaan madaama Russia lagu eedeeyay inay laaluus bixisay sidii koobka aduunka 2018 u marti galin laheyd.

Madaxweyne Vladimir Putin oo arinkan ka hadlaayo wuxu yiri “Hadii uu hayo qof cadeyn muujineyso in Russia laaluush ay bixisay banaanka hasoo dhigo”

“Si cadaalad ah ayaan ugu guuleesanay weliba tartan adag ayaan dalal badan la galnay sidii aan koobka aduunka 2018 u marti galin laheyn”

“Sidoo kalend diyaar garow wanaagsan ayaan ugu jirnaa martigalinta koobka aduunka hadii go’aan kale la qaato waxaan u arki doonaa mid aan sax ahayn sidoo kalena cadaalada ka fog”

Vladimir Putin ayaa weerar ku qaadan dalka England wuxuuna yiri “England wey ku guul dareesteen inay soo bandhigaan wax lagu siin karo marti galinta koobka aduunka”

“Sidaa darteed doorashadii la qaaday ma aysan helin kalsoonida dadka codeenayaan madaama aysan goobta la imaanin qorshe lagu qanco”

“Sidaa darteed England iyaga naftooda ha eedaan ee ma ahan inay dadka xag xagtaan sidoo kalena ay abuuraan barabagaando aan meesha oolin!!”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>