Horyaalka England haatan waxaa la cayaaray 7-kulan sidoo kalena koox walbo tababrteeda ayay ogaatay, sidaa darteed tababare Arsene Wenger ayaa ka hadlay macalinka uu ilaa haatan aaminsan yahay inuu qabtay shaqo wacan oo lagu amaani karo.
“Shaqo wacan ayuu qabtay Ronald Koeman waxaana ku tilmaami karaa macalin aad u wanaagsan madaama uu dhisay kooxda Southampton inkastoo xidigo badan ay kooxdan ka tagaan”
Southampton haatan kaalinta 3-aad ayay kaga jiraan Premiership-ka England sidoo kalena kooxdan bandhig wanaagsan ayay sameesay sidaa darteed Arsene Wenger wuxuu la dhacsan yahay shaqada wanaagsan ee uu ilaa haatan qabtay tababaraha reer Holland Ronald Koeman.
Geeska kale tababare Wenger ayaa aaminsan in kooxdiisa aysan u dhutin doonin xidigaha tirada badan ee haatan dhaawaca kaga maqan wuxuuna ku booriyay xidigaha Arsenal inay dadaal dheeraad ah la imaadaan gaar ahaan kuwada aan sida joogtada ah ugu cayaarin kooxdan oo hada kadib fursad heli doonaan sida Lukas Podolski iyo Thomas Rosicky.