Kubad sameeyaha reer Scotland Darren Fletcher ayaa si rasmi ah uga tagay kooxda Manchester United isagoo ku biiray West Brom maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga bishaan January.
Fletcher wuxuu soo afjaray 12-sano oo uu ku sugnaa Old Trafford madama uu noqon waayay dooqa kowaad ee macalin Louis Van Gaal.
Si kastaba Fletcher ayaa ka dhawaajiyay shaqsiga ku dhiirgaliyay inuu isaga tago Old Trafford kuna biiro koox uu boos joogto ah ka helaayo.
Fletcher wuxuu tilmaamay in Sir Alex Ferguson uu wacay si uu talo u weydiisto isla markaana uu ku raacay go’aanka uu kaga tagayo Manchester United.
“Marka uu qof ku siiyo talo fiican waa inaad u mahad celiso, wana shaqsigii bilaabay waayaheyga kubada cagta” Ayuu yiri Fletcher oo amaanay Sir.
Ugu dambeyntii Fletcher ayaa bilaaban doona kulanka ay Maanta West Brom la ciyaareyso Burnley.