Tababaraha cusub ee kooxda Real Sociedad David Moyes ayaa markii ugu horeysay shaaciyay shaqsigii kula taliyay inuu qabto shaqada tababarnaimo ee kooxda ka dhisan dalka Spain.
David Moyes wuxuu wajigabax kala kulmay Manchester United markii uu xilkaas ka badalay macalinka ay dhalashada wadaagaan ee Sir Alex Ferguson kaas oo soo afjaray 2013, sanado guulo ah oo uu kooxda United usoo hogaamiyay.
David Moyes wuxuu ka dagay xilka Manchester United bisha April, isasgoo hayay in ka yar sanad kadib markii uu kooxda u hogaamiyay iney ku dhameysato kaalinta 7-aad.
Si kastaba David Moyes wuxuu qiray in Sir Alex Ferguson uu kula taliyay inuu ka hawo gadisto Ingiriiska isla markaana uu qabto shaqada kooxda Real Sociedad.
“Waxaan Taleefoon kula xiriiray Sir Alex Ferguson, wuxuuna igala hadlay shaqada iyo fursadaha ii banaan, wuxuuna igula taliyay inaan qabto shaqada Real Sociedad”.
Real Sociedad waxey shaqada tababaranimo Khamiistii u magacaabeen David Moyes, iyagoo ka rajeynaya inuu kooxda kasoo qaado halka ay joogto oo ah booska 15-aad.