Louis Van Gaal ayaa ka hadlay shaqsiga uu jecel yahay inuu ka badalo shaqada kooxda Manchester United marka uu dhamaado waayahiisa garoonka Old Trafford.
Macalinkaan reer Holland ayaa xagaagan bilowgiisii yimid kooxda ka dhisan magaalada Manchester wuxuuna la galay heshiis sadex sano ah inkastoo laga yaabo inuu kordhiyo madama uu sheegay in United ay tahay kooxda ugu dambeysay oo uu leyliyo waayahiisa tababaranimo ee kubada cagta.
Si kastaba 63-jirkaan oo la hadlayay MU TV, ayaa ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa inuu tababare United u noqdo markuu soo dhameeyo waayahiisa caawiyahiisa Ryan Giggs.
“Waxaan rajeynayaa in macalinka xiga ee United uu noqdo Ryan Giggs” Ayuu yiri LVG.
Ryan Giggs ayaa mar tababare kumeel gaar ah u noqday kooxda Manchester United dhamaadkii xagaagii hore markii kooxda laga raacdeeyay David Moyes.
Ugu dambeyntiina Louis Van Gaal ayaa United u hogaamiyay iney haatan fadhiso booska sadexaad ee horyaalka, wuxuuna berito Goodison Park kula ciyaari doonaa Everton.