Home » Horyaalada » La Liga Spain » Waa Kuma Xidiga Ay Barcelona Xili Cayaareedkan Hal Xiraale Uga Dhigtay Real Madrid!

Waa Kuma Xidiga Ay Barcelona Xili Cayaareedkan Hal Xiraale Uga Dhigtay Real Madrid!


suarez_3241594b

Luis Suarez bilawgii xili cayaareedkan wuxuu garoonka Camp Nou yimid asigoo ah cayaaryahanka aduunka loogu neceb yahay madaama saxaafada caalamka iyo quburada kubada cagta aduunka ay ku heesteen falkii qaniinyada ee uu kala kacay Giorgio Chellieni.

Hadaba xidigan ganaax 4-bilood asigoo dhabarka ku sito ayuu Barcelona usoo dhaqaaqay waxayna kooxda reer Spain ku dhiiratay inay qamaar adag cayaarto.

Luis Suarez bishii October ee sanadkii hore uu Barcelona si rasmi ah ugu cayaaray La Ligaha Spain wuxuuna xidigan kaashaday kartidiisa iyo waaya aragnimadiisa gaarka ah si uu La Ligaha Spain ula qabsado.

8-bilood kadib waxqabadka uu Luis Suarez la yimid ma ahan mid la xisaabin karo wuxuuna kooxdiisa ka caawiyay inay La Ligaha ku guuleesato, sidoo kalena ay kama dambeestoa Champion-ka iyo Copa del Rey soo gaarto.

Hadaba xidiga reer Uruguay wuxuu noqday weeraryahankii Barcelona hilmaansiiyay Samuel Eto’o waayo tan iyo sanadii 2010 Barcelona ma helin xidig ku dhaq dhaqaaq dhamaa Eto’o.

Suarez xili cayaareedkan wuxuu dhaliyay 25-gool sidoo kalena Lionel Messi iyo Neymar goolasha ay dhaliyen kaalin lixaad leh ayuu ka qaatay waxaa intaas usii dheer inuu la yimid aqlaaq wanaagsan iyo wada shaqeyn kooxeed oo aad u hormarsan.

Sidaa darteed Barcelona hal xiraale adag ayay xili cayaareedkan dhigeeda Real Madrid ku xujeesatay waana Luis Suarez!!

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>