Home » Europe » Champions League » Waa Kuma Xidiga Reer Brazil Iyo Kooxda Shakhtar Luiz Adriano

Waa Kuma Xidiga Reer Brazil Iyo Kooxda Shakhtar Luiz Adriano


Adriano

Luiz Adriano xili cayaareedkan waxaan la arag oo aan la maqlin ayuu ka dhigayaa koobka horyaalada Yurub madaama uu haatan 9-gool dhaliyay tartankan oo la cayaaray 4-kulan oo qura sidaa darteed xidigan aduunka ayuu isbaray.

Hadaba waxaan idiin heynaa macluumaad kooban oo ku saabsan weeraryahankan awooda badan.

Luiz Adriano mudo 7-sano ah ayuu naadiga Shakhtar Donetsk ka tirsan yahay wuxuuna kooxdan kula guuleestay 6-horyaal, 1-UEFA Cup, 4-Ukranian Cup iyo 3-Ukranian Super Cup waxaa intaas usii dheer inuu xili cayaareedkii 2013/14 gool dhalinta horyaalka Ukraine ku guuleestay.

27-jirkan sidoo kalena 120-gool ayuu kooxda Shakhtar u dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan.

Adriano asigoo 14-jir ah ayuu ku biiray naadiga SC Internacional ee dalka Brazil ka dhisan sidoo kale asigoo 19-jir ah ayuu kulankiisii ugu horeeyay oo heer caalami ah u saftay wuxuuna sanadii 2006 kula guuleestay kooxdan tartanka FIFA Club World Cup.

Who is Shakhtar and Brazil striker Luiz Adriano?

Sanadii 2007 xulka Brazil ee da’dooda ka hooseyso 20-sano ayuu la qaaday tartanka Koonfur Ameerika sidoo kale isla sanadkaas ayuu kooxda Shakhtar usoo dhaqaaqay waxayna kusoo iibsatay €3m.

Waxaa xusid mudan in sanadii 2009 tartanka UEFA Cup oo ay kooxdiisa Shakhtar 2-1 kaga qaaday naadiga Werder Bremen inuu Adriano goolkii ugu horeeyay habeenkaas isaga dhaliyay.

5-sano ee ugu dambeesay Adriano wuxuu ahaa laacibka ugu goolasha badan kooxda Shakhtar xili cayaareed walbo.

Luiz Adriao sedexleydii ugu horeesay koobka horyaalada Yurub wuxuu ka dhaliyay naadiga FC Nordsjælland 20 November 2012 habeen Shakhtar 5-2 guusha ku raacday.

Xili cayaareedkii hore ayuu kooxdiisa Shakhtar la qaaday horyaalkiisii 6-aad sidoo kalena 5-sano oo xariir ah ayuu horyaalka Ukraine kooxdan kula guuleesanayaa.

Waxaa intaas usii dheer inuu xili cayaareedkii hore gool dhalinta horyaalka ku qaaday 20-gool.

Xili cayaareedkan 2014/15 wuxuu noqday cayaaryahankii labaad ee taariikhda Champion-ka hal kulan 5-gool dhaliyo wuxuuna ka dhaliyay naadiga  FC BATE Borisov habeen Shakhtar 7-0 ku xaaqday kooxdan.

Sidoo kalena isla xili cayaareedkan wuxuu noqday laacibka taariikh ahaan kooxda Shakhtar ugu goolasha badan madaama uu haatan 120-gool u dhaliyay wuxuuna iskoorkan kala wareegay halyee Andriy Vorobey oo horey 114-gool Shakhtar ugu dhaliyay ahaan jirayna laacibka kooxdan ugu goolasha badan!

Kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa Shakhtar wuxuu u dhaliyay markale Hat Trick taasi oo ka dhigtay cayaaryahanka 4-aad ee 3-jeer oo kala duwan sedexley ka dhaliyo Champion-ka waxay kala yihiin sedexdda kale Lionel Messi (4-Hatrick), Mario Gomez (3-Hatrick) iyo Pippo Inzaghi (3-Hatrick).

Luiz Adriano kaliya hal gool ayuu u baahan yahay labada kulan ee qaybta Guruubyada Champion-ka si uu uga sara maro Cristiano Ronaldo oo isagana 9-gool horey tartankan isla wareega hore uga dhaliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>