Tartanka Copa America wuxuu caawo ka bilaaban doonaa dalka Chile waana tartan xiiso badan kaasi oo loo sadaalinaayo sedexda xul Argentina, Brazil iyo Colombia midkood inuu ku guuleesan doono.
Hadaba waxaan idiin heynaa taariikh ahaan kulamadii ugu yaabka badnaa ee tartankan xiliyadiisii kala duwanaa lagu arkay.
Weliba natiijooyinka cayaaryahan kasoo baxeen ayaa noqdeen kuwo lama filaan ah kuwaas oo ilaa haatan la haday haayo waxaana kulamadaas ka mid ah:
USA 3-0 Argentina, 1995 qaybta guruubyada
Peru 2-1 Argentina, 1997 wareega 8-aad
Argentina 0-3 Colombia, 1999 qaybta guruubyada
Honduras 2-0 Brazil, 2001 wareega 8-aad
Brazil 1-2 Paraguay, 2004 qaybta guruubyada
Mexico 2-0 Brazil, 2007 qaybta guruubyada
Brazil 3-0 Argentina, 2007 kama dambeesta tartankan