Waxaa daaha laga qaaday warbixin xiiso badan oo si gaar ah kaga hadleyso taariikhda Premiership-ka England laga soo bilaabo sanadii 1993 ilaa haatan.
Hadaba xogtaan ayaa ku saabsan kooxaha ugu badan ee loo dhigay gool ku laadka ama rigoorooinka waxaana rigoorada ugu badan loo dhigay naadiga Liverpool oo heshay 133-rigoore taariikhda EPL!
Balse kooxda Chelsea ayaa noqotay naadiga ugu fiican ee ka faa’iideesatay rigoorooyinka loo dhigay waxaana warbixintan lagu sheegay in Blues loo dhigay 114-rigoore waxayna dhalisay 100-rigoore oo ka mid ah!!
Guud ahaan hoos kaga bogo kooxaha rigoorooyinka ugu badan loo dhigay Premiership-ka England taariikh ahaan:
Naadi | Rigoorada loo dhigay | Rigoorada ay dhaliyeen | % inta ay dhaliyeen |
Liverpool | 133 | 102 | 76.69% |
Chelsea | 114 | 100 | 87.72% |
Arsenal | 125 | 94 | 75.20% |
Man United | 117 | 89 | 76.07% |
New Castle | 111 | 89 | 80.18% |
Everton | 102 | 79 | 77.45% |
Tottenham | 100 | 71 | 71.00% |