Waa Kuwee Xidigaha La Ligaha Spain Xili Cayaareedkan Ugu Kubad Abuuris Badan
Waxaa Qoray: Mohamed Mohamuud Hassan ( mmx )
Taariikh: 14-May-2015

Madaama La Ligaha Spain uu haatan gabo gabo ku dhow yahay waxaa daaha laga qaaday xili cayaareedkan 2014/15 xidigaha ugu kubad abuurista badan.
Dabcan xidigahan ayaa lagu soo xulay kulamada ay horyaalka Spain cayaareen iyo guud ahaan fursadaha ay abuureen taasi oo aysan ku xirneyn in la dhaliyay iyo in kale.
Hadaba hoos kaga bogo xili cayaareedkan laacibiinta ugu kubad abuurista badan horyaalka Spain:
- Isco, Real Madrid, wuxuu abuuray 53-kubadood oo gool loo filan karay
- Luis Suarez, Barcelona wuxuu abuuray 57-kubadood oo gool lol filan karay
- Gael Kakuta, Rayo Vallecano wuxuu abuuray 61-kubadood oo gool loo filan karay
- Koke, Atletico Madrid wuxuu abuuray 61-kubadood oo gool loo filan karay
- Pablo Sarabia, Getafe wuxuu abuuray 65-kubadood oo gool loo filan karay
- Toni Kroos, Real Madrid wuxuu abuuray 68-kubadood oo gool loo filan karay
- Michael Krohn-Dehli, Celta de Vigo wuxuu abuuray 69-kubadood oo gool loo filan karay
- Cristiano Ronaldo, Real Madrid wuxuu abuuray 69-kubadood oo gool loo filan karay
- Fabian Orellana, Celta de Vigo wuxuu abuuray 70-kubadood oo gool loo filan karay
- James Rodriguez, Real Madrid wuxuu abuuray 72-kubadood oo gool loo filan karay
- Lionel Messi, Barcelona wuxuu abuuray 89-kubadood oo gool loo filan karay
- 1. Nolito, Celta de Vigo wuxuu abuuray 90-kubadood oo gool loo filan karay
Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan
Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan