Dhibaatada Manchester United ayaa sii badaneysa kadib markii xalay Angel Di Maria uu dhibaato la kulmay xili sabtida ay kooxda wajaheyso Arsenal kulan ay marti ku noqon doonto Emirates.
Angel Di Maria ayaa ku dhawaaday in garoonka laga qaado markii lugta midig looga istaagay waxaana qaladkaas ku galay saaxiibkiisa Man United balse haatan amaahda kooxda kaga maqan ee Luis Nani daqiiqadihii ugu horeeyay ciyaarta inkastoo xidigii hore Real Madrid uu dib ugu soo laabtay garoonka isla markaana ciyaaray 61-daqiiqo.
Di Maria waxaa lagu badalay wiilka da’da yar ee Tottenham Hotspur Erik Lamela, waxeyna haatan su’aal ka taagan tahay in 26-jirkaan reer Argentina uu qeyb ka noqon doono kulanka Arsenal.
Tababaraha Argentina Gerardo Martino ayaa ka hadlay dhaawaca xidigaan kadib kulankii xalay: “Uma maleynayo iney jirto qatar weyn, waxey aheyd saameyn yar jug ayaana gaartay”
Gerardo Martino ayaa qiray sidoo kale in xidigaan maanta Raajo la saari doono walow macalinka uu ku adkeysanayo in xidigaan uusan dhibaato weyn qabin.
Dhanka kale Di Maria ayaa ka hadlay dhibka soo gaaray wuxuuna sheegay ineysan wax weyn aheyn, isla markaana uu rajeynayo inuu ciyaaro kulanka Sabtida ee Arsenal.