Mario Balotelli ayaa noqday dooqa 7-aad ee weerarka Liverpool taasoo la micno ah in waayahiisa Liverpool uu soo idlaaday sida uu Daily Mirror ku qoray David Maddock.
Branden Rodgers ayaa fursad siin doona da’yarta kooxda Liverpool Jerome Sinclair iyo Sheyi Ojo si ay fursad ugu helaan iney ciyaaraan tartamada Europa League-ga iyo Capital One Cup waxeyna la micno tahay in Balotelli uusan fursad u heli doonin inuu xitaa ciyaaro kulamada saaxiibtinimo oo ay ugu dambeyn doonaan kuwa labada maalin ee soo aadan ay lakal ciyaari doonaan HJK Helsinki iyo Swindon Town.
Sidoo kale Jose Enrique iyo Fabio Borini ayaa ku jira xidigaha aan looga baahneyn Anfield Road xagaagan, kuwaas oo raadsan doona kooxo ay ku biiraan.
Marka laga soo tago Origi, Ings, Benteke iyo Firmino oo ah afarta weerar ee ay koxda heysato waqtigaan, Balotelli wuu noqon waayay midka shanaad ee ciyaara tartamada yaryar ee ay kooxda ciyaareyso, waxaana xidigaan uu dalabyo ka helay: Bologna, Sampdoria iyo SS Lazio oo ka wada dhisan talyaaniga.
Ugu dambeyntii Balotelli ayaa iska qasaariyay fursadii ugu dambeysay oo uu ku cadeyn lahaa awoodiisa ciyaareed, waxaana markaan uu wajahayaa xaalad dib u dhis ah waa hadii uu doonayo inuu magaciisa soo celiyo.