Dinorah Santana oo ah wakiilka daafaca midig ee xulka Brazil Dani Alves ayaa xaqiijiyay in xidigaan uu ka tagi doono Camp Nou isla markaana uu iska diidi doono heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay Barcelonasi ay sanad dheeraad ah u heysato.
31-jirkaan heerka caalami ayaa si ba’an loola xiriirinayay kooxaha Paris Saint Germain iyo Manchester United, Santana ayaana qiray in Alves uu helay dalabyo cajiib ah oo ka qiimo badan midka ay haatan dooneyso Barcelona.
“Dani wuxuu doorbidayaa in miiska loo saaro heshiis sadex sano iyo sanad dheeraad ah iyo mushaar ka fiican midka uu halkaan ku heysto, Barca waxey ii sheegeen ineysan sidaas sameyn Karin waqtigaan”
Hadalka Dinorah Santana ayaa ka dhigan in xidigaan uu midkood kooxaha PSG iyo Man United xidigaan ku biiri doono kuwaas oo heshiis waqti dheer iyo mushaar fiican u balan qaaday.
Ugu dambeyntii Alves ayaa wali ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan Barcelona waqtigaan, walina ma aysan helin badalkiisa.