Home » Horyaalada » italian Serie A » Wakiilka Axel Witsel Oo Si Maldahan Ugu Tilmaamay Juventus In Xidigaan Uu Badal U Noqon Karo Vidal ama Pogba

Wakiilka Axel Witsel Oo Si Maldahan Ugu Tilmaamay Juventus In Xidigaan Uu Badal U Noqon Karo Vidal ama Pogba


Witsel

Axel Witsel ayaa ku biiri kara kooxda horyaalnimada talyaaniga heysata ee Juventus isagoo badal u noqon kara Vidal ama Pogba hadii ay ka tagaan kooxda sida uu ka dhawaajiyay wakiilka xidigaan.

Pogba iyo Vidal ayaa loo maleynayaa iney isaga tagayaan kooxda ka dhisan Turin, waxeyna dalabyo ka helayaan kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaarada yurub.

Pogba wuxuu dalabyo ay Juventus diiday ka helay PSG iyo Barcelona inkastoo sidoo kalana ay si ba’an u baadi goobeyso Manchester City.

Dhanka kale Arturo Vidal ayaa isna lala xiriirinayaa kooxaha Real Madrid iyo Arsenal, waxaana markaas Juventus u wacnaan lahaa u dhaqaaqista Axel Witsel.

Riccardo Napolitano oo ah wakiilka Riccardo Napolitano ayaa la hadlay Ilsussidiario.net: “Wiilkaan wuxuu go’aansaday inuu ka tago Zenit”

“Wuxuu doonayaa inuu u ciyaaro koox ka heer sareysa Zenit isla markaana ay xidigo heer sare u ciyaaraan, Italy ayuu maanka ku hayaa”

“Wuxuu in badan jecel yahay Juventus, wuxuuna badal buuxa u noqon karaa Vidal ama Pogba hadii ay ka tagaan kooxda”

Ugu dambeyntiina Juventus ayaa kala kulmi doonta loolan xoogan kooxda Ac Milan, xili 26-jirkaan qandaraaska uu kula jiro Zenit uu dhacayo 2017.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>