Home » Maxaa Cusub » Wakiilka Coutinho Oo Ka Dhawaajiyay In Man United Ay Lasoo Xariirtay!

Wakiilka Coutinho Oo Ka Dhawaajiyay In Man United Ay Lasoo Xariirtay!


Coutinho

Ma ahan Philippe Coutinho oo kooxda Liverpool ka tirsan balse Douglas Coutinho oo dalka Brazil ka cayaaro waxayna kooxda Man United la xariirtay wakiilka laacibkan ayadoo kala hadashay sidii uu garoonka Old Trafford ugu soo dhaqaaqi lahaa.

20-jirkan wuxuu ka tirsan naadiga Atletico Paranaense haatana wuxuu ku jiraa xiligiisii ugu wanaagsanaa madaama uu kooxdiisa u dhaliyay 19-gool sanadkan 2014 waxaana naga xasuusin ah inuu xili cayaareedkii hore markii ug horeesay kasoo muuqday horyaalka heerka kowaad ee dalka Brazil.

Dauglas Coutinho ayaa kooxda Man United kusoo jiitay inuu yahay weeraryahan caafimaad badan madaama uu kooxdiisa Atletico Paranaense u cayaaray 64-kulan oo xariir ah mudo gaaban gudaheeda.

Sidaa darteed macalin Luis Van Gaal ayaa ku amray saraakiisha Man United u qaabilsan Koonfur Ameerika inay dar dar galiyaan wada hadalada Coutinho lagu keenayo garoonka Old Trafford.

Taciano Pimenta oo ah wakiilka xidigan ayaa si rasmi ah u sheegay inuu haatan wada xaajood kula jiro Man United waxaana Coutinho lagu heli karaa £5m madaama qandaraska uu kooxdiisa kula jiro uu ku egyahay sanada 2017.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>