Wakiilka daafaca midig ee Manchester United Rafael Da Silva ayaa shaaciyay in Man United ay wadahadal kula jirto Nicolas Gaitan iyadoo xidigaan reer Brazil uu heshiiska Gaitan uu ku imaanayo Old Trafford uu qeyb ka noqon doono.
25-jirkaan heerka caalami ayaa kaliya saftay 11-kulan xagagii dhamaaday, wuxuuna ka mid yahay tirada xidigaha ah ee la filayo iney isaga tagaan Old Trafford.
Warbixino ka imaanaya Portugal ayaa sheegaya in Benfica ay kaliya ku bixin karto Gaitan lacagaha heshiiskiisa lagu jabin karo oo dhan 35 Malyan Oo Euro, waxaana wakiilka xidigaan uu sheegay in Rafael uu qeyb ka noqon doono heshiiska uu Gaitan ku imaanayo EPL-ka.
“Benfica iyo Man United waxey ka wadahadlayaan arimaha Gaitan, waxaana dalabka ku jira in Rafael uu ku biiro Benfica” ayuu yiri Cassiano Pereira oo la hadlayay Record.
“Rafael wuxuu doonayaa inuu ku biiro Benfica, waa koox weyn oo yurub ah, hadii wadahadalada ay hormaraan ma dhib badnaan doonto in heshiiska la gaaro”