Daafaca garabka midig ee kooxda Barcelona Dani Alves ayaa la sheegay in haatan uu usoo dhaqaaqi doono kooxda Arsenal inkastoo mudo la hadal haayay in naadiga Man United saxiixiisa ku guuleesan rabto.
Daafacan waaya araga ah qandaraaska uu Barcelona kula joogo ayaa ku eg dhamaadka bisha June ee isla sanadkan mana la filaayo inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo.
Sidaa darteed wargeska Express ayaa sheegay in Dinorah Santana oo ah xaaskii hore ee Alves sidoo kalena xidigan wakiil u ah inay Arsenal kulan la qaadan doonto maal maha nagu soo fool leh.
Gabadhan ayaa haatan ku sugan magaalada London waxayna qorsheynee inay Arsenal kulan la qaadato si ay uga wada hadlaan suurta galnimada uu garoonka Emirates Alves ugu soo dhaqaaqi karo xagaaga dambe.
Dinorah Santana ayaa dhankeeda sheegtay in Alves uusan Barcelona baaqi kusii ahaan doonin waxayna tiru “Mararka qaar wax walbo dhamaad ayay leeyihiin sidaa darteed ma arko sabab uu Dani Camp Nou kusii joogi karo”
“Waxaana haatan heesanaa dalabyo aad u wanaagsan oo naga soo gaareen kooxo badan sidaa darteed wax walbo sida aan rabno ayay u dhici doonaan mana jirto walaac ku aadan mustaqbalka Dani oo weli heesto fursad uu uga mid noqon karo kooxaha aduunka ugu wanaagsan”