Xidiga bartilmaameedka u ah kooxda Liverpool Juan Iturbe ayaa helay dalab kaga yimid kooxo ka dhisan horyaalka Ingiriiska oo aan la magacaabin sida uu ka dhawaajiyay Wakiilka.
Iturbe ayaa haatan ka tirsan kooxda As Roma waxaana dhowr jeer lala xiriiriyay ku biiritaanka kooxda ka dhisan Anfield Road madama Rodgers uu taageero u yahay xidigaan.
Inkastoo aan la gaarin dhamaadka xili ciyaareedka hadana Wakiilka xidigaan ayaa daaha ka rogay inuu dalabyo ka helay kooxo ka dhisan EPL-ka.’
“Miyuu bixi doonaa? Waxaa jira dalabyo fiican oo kaga imaanaya Ingiriiska” ayuu yiri wakiilka xidigaan oo lagu magacaabo Gustavo Mascardi.
Dhanka kale Juan Iturbe waa xidig xariif ah waxaana lagu qiimeeyaa 19.7 Malyan Oo Pound taasoo ah lacag qaali ah.
Ugu dambeyntii Iturbe ayey macquul tahay inuu ka hayaamo kooxda madama uu jecel yahay ka ciyaarada meel ka baxsan Italy.