Home » Maxaa Cusub » Wakiilka Karim Benzema Oo U Deyriyay Arsenal Kuna Wargaliyay In Xidigaan Uu Los Blancos Baaqi Ku Ahaan Doono

Wakiilka Karim Benzema Oo U Deyriyay Arsenal Kuna Wargaliyay In Xidigaan Uu Los Blancos Baaqi Ku Ahaan Doono


Benzema (2)

Wakiilka weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa shaaca ka qaaday in 100% uu hubo kusii nagaashaha xidigaan ee kooxdiisa Real Madrid xagaagan.

27-jirkaan reer France ayaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda ka dhisan Ingiriiska iyadoo Wenger uu suuqa ka baadi goobayo weeraryahan tayo sare leh oo uu kooxdiisa ku dhameystiro.

Wararka xanta ah ee la xiriirinaya Benzema kooxda Arsenal ayaa isi soo taray, balse Karim Djaziri oo ah wakiilka wiilkaan ayaa sheegay inuu Bernabeu ku nagaan doono.

“Karim wuu ku faraxsan yahay Real Madrid, wuxuuna sii ahaan doonaa xidig Madrid ah inta suuqa ka xirmaayo 100%” ayuu Djaziri u sheegay Sky Sports News.

“Karim mad doonayo inuu kooxda meelna uga dhaqaaqo xagaagan”

Ugu dambeyntiina Benzema oo qandaraaskiisa uu dhamaanayo 2019, ayaa xagaagii lasoo dhaafay dhaliyay 21-gool dhamaan tartamada oo dhan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>