Home » Maxaa Cusub » Wakiilka Kevin De Bruyne Ayaa Usoo Duulay England Si Uu Wadahadalo Ula Yeesho Kooxda Manchester City

Wakiilka Kevin De Bruyne Ayaa Usoo Duulay England Si Uu Wadahadalo Ula Yeesho Kooxda Manchester City


Kevin

Patrick De Koster oo ah wakiilka da’yarka xulka Belgiumka iyo kooxda Wolfsburg Kevin De Bruyne ayaa usoo duulay dalka Ingiriiska si uu wadahadalo ula galo kooxda Manchester City oo si ba’an xidigaan u dooneysa.

Manchester City waxey dooneysaa iney De Bruyne ka dhigto xidigii ugu qaalisanaa ebid ay koox Britain ah soo iibsato iyadoo kusoo qaadaneysa 60 Malyan Oo Pound sidoo kalana waxey De Bruyne u balan qaadeen mushaar dhan 200,000 kun Pound oo ah lacago uusan waligiis ku riyoon.

De Bruyne waqtigii xumaa ee Chelsea kaga baxay kadib wuxuu waayo fiican ku heystaa Jarmalka isagoo dhaliyay 16-gool 51-kulan oo uu u saftay Wolfsburg dhamaan tartamada oo dhan.

Mourinho ayaa shalayto wax ka sheegay shaqsiyadda xidigaan isagoo aaminsan in De Bruyne uu yahay xidig aan nafsad ahaan diyaarsaneen oo aan jecleen inuu tartan la galo xidigaha booskiisa kula dagaalamaya.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>