Mino Raiola oo ah wakiilka Paul Pogba ayaa ka hordhacay mustaqbalka macmiilkiisa wuxuuna farxad galiyay dhamaan kooxaha reer Yurub.
Mino Raiola ayaa ka dhawaajiyay inay macquul tahay Pogba kulankiisa ugu dambeeyo ee uu Juve u safto inuu noqon karo Finalaha Champions League ee Juve la cayaari doonto Barcelona.
22-jirkan awooda badan waxaa ku raad joogaan kooxaha Yurub ugu caansan sida Paris Saint-Germain, Barcelona, Real Madrid, Manchester City, Manchester United iyo Chelsea sida darteed hadalka wakiilkiisa kasoo yeeray ayaa dhamaan kooxahan niyada u dhisi karo.
Mino Riola oo la hadlaayay ky Sport Italia wuxuu yiri “Garoonka Berlin wuxuu noqon doonaa goobta ugu dambeeso ee uu Pogba ugu cayaaro Juventus”
“Ma doonayaan inay iibiyaan balse qof walbo ee doonayo inuu iibsado diyaar ayay u tahay inay Juve la xaajooto”
“Wax walbo ayaa dhici karo wuxuuna suuqa furnaan doonaa ilaa 2 bisha September”
“Pogba heshiis ayuu kula jiraa sidoo kalena diyaar ayuu u yahay inuu marwalbo tixgaliyo sidoo kalena uusan sameyn wax aysan kooxdiisa ogeyn”
“Juve ayaa xadidi doonto qiimahiisa balse waxaan hubaa in qiimahiisa uu noqon doono mid ka mid ah lacagaha lagu iibsado cayaartooda ugu qaalisan caalamka”
Pogba sanadii 2012 ayuu Juve si xor ah ugu soo biiray wuxuuna kula guuleestay sedex horyaal oo xariir ah haatana wuxuu ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan.