Home » Maxaa Cusub » Wakiilka Vidal Oo Ku Sugnaa Garoonka Wembley Sidoo Kalena Daawaday Arsenal Guushii Ay FA Cup-ka Ka Gaartay

Wakiilka Vidal Oo Ku Sugnaa Garoonka Wembley Sidoo Kalena Daawaday Arsenal Guushii Ay FA Cup-ka Ka Gaartay


Vidal (2)

Maal mihii ugu dambeeyay waxaa la hadal haayay in kooxda Arsenal ay heshiis hordhac ah la gaartay xidiga reer Chile Arturo Vidal.

Kaasi oo la sheegay inay Arsenal xagaagan ku iibsan doonto 25-milyan oo pound sidoo kalena uu qalinka ku duugi doono heshiis 5-sano ah.

Hadaba arinkan ayaa sii xoogeestay madaama Fernando Felicevich oo ah wakiilka Vidal uu lagu arkay garoonka Wembley sidoo kalena uu daawaday kulankii Finalaha FA Cup-ka oo ay Arsenal 4-0 kaga qaaday naadiga Aston Villa.

Fernando Felicevich ayaa la sheegay inuu kulan xasaasi ah la qaaday macalin Wenger sidoo kalena ay ka wada hadleen mushaaraadka Vidal iyo doorka uu Arsenal ku yeelan doono.

Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in Juve ay sida ugu dhaqsiyaha badan dalabka Arsenal ku aqbali doonto madaama kooxdan ay dooneyso lacagaha iibka Vidal kasoo galo inay si toos ah ugu wareejiso kooxda Palermo oo ay dhawaan kasoo qaadan rabto Paulo Dybala.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>