Wargeska Telegraph ayaa bogiisa hore ku qoray in kooxda Liverpool ay haatan dabagal xoogn ku heyso laacibka ay ku faanto Arsenal Theo Walcott.
Walcott ayaa iska diiday inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo kadib markii Arsenal u sheegtay inayan siin karin in ka badan £90,000 balse xidigan wuxuu doonayaa in todobaad walbo la siiyo £100,000 iyo wixii ka badan diyaarna ma ahan in Arsenal ay siiso.
Sidaa darteed Liverpool ayaa wado qorshe adag oo ay kula xariiri doono wakiilka Walcott waxayna u balan qaaday in rabitaankiisa loo tixgalin doono.
Liverpool ayaa qaati ka taagan xaalada is mari waaga ah ee kala dhaxeyso Raheem Sterling oo ka madax adeegayo inuu heshiis cusub qalinka ku duugo inkastoo Reds xidigan miiska u saartay dalab aad u sareeyo oo dhanka mushaarka ah.
Sida darteed Liverpool ma dooneyso in Raheem Sterling uu madax furasho kaga dhigto in mushaar badan la siiyo ama uu koox kale u dhaqaaqo.
Waxayna maamulka Liverpool qaadan doonaan xagaagan go’aan xasaasi ah kaasi oo ah in Walcott Anfield la keeno halka Raheem Sterling la fasixi doono hadii uusan go’aankiisa wax ka badalin.