Mid ka mid ah xidigahii ugu wanaagsanaa ebid soo maray kubada cagta Ingiriiska iyo Xulka Sadexda libaax ayaa la filayaa inuu Axadda macsalaameeyo guud ahaan dadweynaha England marka uu ciyaaro kulankiisa ugu dambeeya horyaalka.
Kabtan Steve ayaa aadi doona dalka Mareykanka sida u qorsheysan wuxuuna goor hore heshiis 18 bilood ah la gaaray kooxda LA Galaxy isagoo qaaday talaabadii uu sanadii 2007 qaaday Kabtankii hore xulka Ingiriiska David Beckham.
Ka hor kulanka Stoke City, Gerrard ayaa soo galiyay internet-ka sawir muujinaya inuusan tabar dhigin isla markaana uu isku diyaarinayo kulanka culus ee wiilasha Mark Hughes, sidoo kalana cadeeyay in Gerrard uu wali yahay mid garoomada kusii jiri kara.
Gerrard wuxuu ka mid noqon doona halyeeyada kubada cagta ee ka ciyaari doona xagaagan horyaalka Mareykanka wuxuuna la midoobi doonaa xidigaha ay ka midka yahiin: Frank Lampard, Raul Gonzales, Ricardo Kaka, David Villa iyo Jazzy Altidore.