Haatan kooxda Inter Milan xaala cakiran ayay ku sugan tahay wuxuuna tababare Walter Mazzarri ku guul dareestay xili cayaareedkan inuu kooxdan faca weyn ku haayo safka hore ee horyaalka Talyaaniga.
Sidaa darteed maamulka kooxdan ayaa macalinkan kalsoonida kala laabteen waxaana fursad la siiyay labada kulan ee kooxdan kusoo fool leh hadii uu natiijo wanaagsan keeni waayo dabcan boorsadiia ayuu ka qaadan doonaa garoonka San Serio.
Inter waxay khamiista nagu soo fool leh la cayaari doontaa naadiga Saint-Etienne kulan ka tirsan Europa League halka axada dambe ay la cayaari doonto naadiga Verona Serie A-da Talyaaniga hadi labadan kulan uu macalin Mazzari guulo gaarsiin waayo kooxdan mustaqbalkiisa cayaareed masii ahaan doono magaalada Milan.
Wargeska Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in macalin Mazzari xilka laga xayuubin rabay todobaadkan markii ay Inter guuldaro 2-0 kala kulantay kooxda Parma balse gudoomiyaha Inter Mr. Erick Thohir ayaa macalinkan siiyay fursadii u dambeesay oo ah in labadan kulan ee kooxdan kusoo fool leh inuu isbadal la imaado.
Inter haatan kaalinta 9-aad ayay kaga jirtaa Serie A-da Talyaaniga waxaya 10-dhibcood ka hooseysaa kooxda Juventus oo horyaalka Talyaaiga hogaamineyso waxaana la cayaaray horyaalkan ilaa haatan 10-kulan.