Home » Maxaa Cusub » Waqtiga Uu Goolhaye David De Gea Shaacin Doono Go’aanka Mustaqbalkiisa Oo La Ogaaday, Waase Goorma Waqtigaas?

Waqtiga Uu Goolhaye David De Gea Shaacin Doono Go’aanka Mustaqbalkiisa Oo La Ogaaday, Waase Goorma Waqtigaas?


De Gea

 

Todobaadka soo aadan waa isbuuc jamaahiirta Manchester United ay dhagta u taagi doonaan hadalka goolhaye David De Gea madama uu waqtigaas go’aansan doono mustaqbalkisa kubada cagta.

The Sun ayaa shaacisay in todobaadka soo aadan da’yarkaan reer Spain uu shaacin doono hadii uu Madrid ku biirayo iyo hadii uu baaqi kusii ahaanayo garoonka Old Trafford waana u naxdin iyo anfariir jamaahiirta kooxda Man United hadii uu go’aansado inuu booska koowaad kula dagaalamo Casillas .

24-jirkaan waxaa si ba’an loola xiriirinayaa Real Madrid, iyadooba loo badinayo in wiilkaan uu go’aansan doono ka dhaqaaqista EPL-ka, iyadoo Paul Scholes uu talo hordhac ah sii siiyay Van Gaal madam uu u tilmaamay saxiixa Peter Cech hadii wiilkaan uu ka tago kooda.

Dhanka kale David De Gea wuxuu todobaadkaan ku guuleystay laba abaalmarinood taasoo kala ah xidiga ugu wanaagsan kooxda Man United iyo sidoo kale abaalmarinta u qaaska ah taageerayaasha oo ay iyaguna ku doortaan xidiga sanadka kooxda.

De Gea wuxuu noqday halbowlaha kooxda Man United u suuragalisay iney soo tiigsato koobka horyaalada yurub madama ay xaqiijisay goor hore iney ku dhameysatay kaalmaha loogu soo baxo.

Ugu dambeyntiina todobaadka dambe waa isbuuc ay ku jiri doonaan jamaahiirta United ka wardhowrka arimaha David De Gea iyagoo jeclaan lahaa inuu baaqi kusii ahaado Old Trafford.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>