Home » Maxaa Cusub » Waqtiga Uu Martin Skrtel Heshiiska Cusub Qalinka Ugu Duugi Doono Kooxdiisa Liverpool Oo La Ogaaday

Waqtiga Uu Martin Skrtel Heshiiska Cusub Qalinka Ugu Duugi Doono Kooxdiisa Liverpool Oo La Ogaaday


Skrtel

Daafaca Liverpool Martin Skrtel ayaa heshiis cusub qalinka ugu duugi doona kooxdiisa todobaadka soo aadan isagoo saxiixi doona heshiis sadex sano ah.

Daafacaan goor hore ayuu ogolaaday inuu heshiiska u kordhiyo kooxda, waxaana la dhameyn doonaa marka uu xidigaan dib ugu soo laabto tababarka ay kooxda isugu diyaarineyso kulamada fasaxa oo ku beegan todobaadka soo aadan.

Skrtel wuxuu ku jiraa 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaska uu haatan kula jiro kooxda Liverpool, waxaana bilowgii sanadkaan ay kooxda usoo bandhigtay heshiis aan u cuntamin oo qalqal galiyay mustaqbalkiisa garoonka Anfield Road.

Martin Skrtel wuxuu Liverpool kusoo biiray sanadii 2008 isagoo markaas kaga yimid kooxda Ruushka ka dhisan ee Zenit St Petersburg.

Todoba sano oo uu ku sugnaa kooxda Liverpool wuxuu saftay 293-kulan, wuxuuna ka mid yahay haatan xidigaha ugu muhiimsan kooxda uu hogaamiyo Rodgers.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>