Liverpool ayaa dhameystirtay saxiixa Adam Bogdan, kaas oo noqonaya saxiixii sadexaad ee ay sameeyaan xagaagan wuxuuna xidigaan si xor ah ku imaan doonaa Anfield 1-da July, madama uu dhamaaday heshiiska uu kooxdiisa kula jiray.
27-jirkaan reer Hungary ayaa tartan xoogan la gali doona goolhayaha xulka Belgiumka Simon Mignolet, waxaana saxiixaan lagu dhawaaqay saacado ka hor markii ay Liverpool ku dhawaaqday iney fasaxday goolhaye Brad Jones oo Australia u dhashay.
Bodgan waa saxiixii sadexaad oo ay kooxdaan smeyso xagaagan waana saxiixii sadexaad oo ay si xor ah ku helaan Liverpool waxaana kaga horeeyay James Milner iyo Danny Ings.
Adam Bodgan wuxuu tan iyo sanadii 2007 ka mid ahaa kooxda Bolton Wonders wuxuuna xagaagan u saftay kaliya 13-kulan madama ay dhaawacyo la dageen.
Si kastaba Liverpool ayaa xidigaan ka heshay kulankii ay FA Cupka la yeesheen Bolton wareegiisa Afaraad kulankaas oo kusoo dhamaaday 0-0, wuxuuna noqday xidiga garoonka madama uu sameeyay badbaadooyin aan caqli gal aheyn xiligaas.
Ugu dambeyntii Adam Bogdan wuxuu sugi doonaa 1-da July markaas oo koox walba ay awood u yeelan karto iney ku dhawaaqdo ama ay soo banaan dhigto saxiixyadeeda cusub.