Liverpool ayaa heshiis la gaartay weeraryahanka kooxda Burnley Danny Ings sida ay website-keeda rasmiga ah ku shaacisay goor dhaw.
22-jirkaan heerka caalami ee xulka Ingiriiska ayaa xagaagan noqday mid ka mid ah xidigaha kasoo hilaacay EPL-ka, wuxuuna dhaliyay 11-gool 35-kulan oo uu kooxdiisa u saftay.
Dhanka kale xidigaan heerka caalami waxaa dhameystirka heshiiskiisa ay ku xiran tahay inuu dhameystiro caafimaad wuxuuna si rasmi ah ugu wareegi doonaa 1-da July.
Sidoo kale Burnley ayaa xaqiijisay in Danny Ings iyo Liverpool ay heshiis gaareen, balse waxey kooxdaan qirtay in wali labada kooxood aysan ka hadlin lacagaha uu xidigaan Anfield Road ku tagi doono.
Burnley waxey baraha bulshada ku cadeysay in Liverpool ay ka diiday dalab hore, balse haatan ay socdaan wadahadalo ay labada kooxood isugu fahmayaan lacagaha xidigaan.