Kooxda Borrusia Dortmund ee dalka Jarmalka ayaa xaqiijisay in macalinkooda Jurgen Klopp uu ka dhaqaajin doono Signal Iduna Park marka uu dhamaado xagaagan.
Macalinki hore kooxda Mainz Klopp ayaa kooxdaan u suuragaliyay ku guuleysiga laba Bundesliga, hal koobka jarmalka iyo iney garaan finalka koobka horyaalada yurub tan iyo 2008 markaas oo uu xilka kooxda qabtay.
Dortmund ahaatan waxey fadhisaa booska 10-aad iyadoo 37-dhibcood ka hooseysa kooxda Bayern Munich.
“Dortmund iyo Klopp waxey ku heshiiyeen in la burburiyo heshiiskii ka dhaxeeyay, kaas oo dhamaan lahaa June 2018″ ayey u qorneed warbixin kasoo baxday kooxda.
Hans-Joachim Watzke oo aah gudoomiyaha kooxda ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay iney maalmihii ugu dambeeyay arintana kala hadleyeen Klopp isla markaana ay weyneyn doonaan.