Torino ayaa xaqiijisay in daafaceeda darajada sare ee Matteo Darmian uu ku biiri doono kooxda Manchester United xagaagan.
Warar xan aha ayaa tilmaamay in Man United ay Darmian ku iibsaneyso aduun dhan 14 Malyan Oo Pound, waana daafac dhanka midig ka ciyaara oo 25-jir ah.
Kooxaha Arsenal iyo Bayern Munich ayaa xidigaan sidoo kale doonayay balse tababaraha kooxda Torino Giampiero Ventura ayaa shaaciyay in Darmian uu ku wajahan yahay Old Trafford.
“Waa run, Darmian wuxuu ciyaari doonaa Champions League isagoo ka tirsan Man United” ayuu Giampiero Ventura u sheegay Sky Sports Italia.
Matteo wuu u qalmaa inuu koox darajo sare u ciyaaro waligiisna wuu ku riyoonayay inuu Champions League kasoo muuqdo, sidaas darteed riyadiisii wey u rumowday haatan”
Matteo Darmian ayaa noqon doona saxiixii labaad ee ay Man United sameyso xagaagan iyadoo Louis Van Gaal uu horay ula soo saxiixday Memphis Depay.
Matteo Darmian wuxuu waayahiisa kasoo bilaabay Milan, balse kuma guuleysan inuu wax badan u ciyaaro wuxuuna Torino yimid sanadii 2011 wuxuuna kaga soo biiray Palermo.
Ugu dambeyntii Matteo Darmian wuxuu haatan ka mid yahay daafacyada midig ee ugu qatarsan Serie A-da, sidoo kalana 13-kulan ayuu Azzurri u saftay waana safka hore.