Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta caalamka ka qortay Arsenal.
AARON RAMSEY:
Aaron Ramsey ayaa iska diiday inuu meesha ka saaro u dhaqaaqista Barcelona xili xidigaan ay kooxda Enrique baadi goob ugu jirto.
Xidigaan reer Wales waa mid ka mid ah xidigaha ay Barcelona la dooneyso inuu buuxiyo booska Xavi Hernandez inkastoo tan iyo January 2016 aysan waxba soo iibsan karin madama ganaax saaran yahay.
24-jirkaan heerka caalami ayaa iska diiday inuu ka hadlo arimaha la xiriirinaya Barcelona iyo mustaqbalkiisa kooxda xili wax laga weydiiyay isagoo ku sugan xerada tababarka Wales ay isugu diyaarinayaan kulanka Belgiumka ee isreeb-reebka Euro 2016.
GEOFFREY KONDOGBIA
Jariiradda Metro ayaa qortay in Arsenal ay dalab rasmi ah gaarsiisay As Monaco iyadoo miiska u saartay lacag dhan 18.2 Malyan Oo Pound.
Xidigaan khadka dhexe xulka France iyo kooxda As Monaco wuxuu ku jiraa waqti aad u qurux badan waxaana isku heysta saxiixiisa kooxo badan oo yurub ka dhisan.
Dalabka Arsenal uma muuqdo mid la aqbali karo madama kooxda Monaco ay xidigaan ku dooneyso iney ku hesho aduun dhan 25 Malyan Oo Pound.
LUCIANO VIETTO
Arsenal ayaa diyaar u ah iney bixiso lacagaha lagu jabin karo heshiiska weeraryahanka Kooxda Villareal Luciano Vietto taasoo dhan 14.3 Malyan Oo Pound.
As ayaa daabacday in Arsenal ay dagaal culus la gali doonto kooxaha Manchester United iyo Liverpool oo iyagana dhinac ka doonaya xidigaan.
Xidigaan reer Argentina waxaa lagu tilmaamaa “New Sergio Aguero” wuxuuna heshiiskiisa dhacayaa sanadka 2019.