Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Arsenal: Vidal, Benzema & Shanta Xidig Oo Uu Sida Ba’an U Doonayo Arsene Wenger

Wararka Suuqa Arsenal: Vidal, Benzema & Shanta Xidig Oo Uu Sida Ba’an U Doonayo Arsene Wenger


Arsenal

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa furan waxeyna koox walba sameyneysaa adeeg heer sare ah, Arsenal waxey sameysay kaliya hal saxiix iyadoo 11 Malyan oo Pound kula soo wareegtay halyeyga Chelsea Petr Cech.

Shan xidig ayaa la hadal hayaa in Arsenal ay ka dooneyso suuqa kala iibsiga ciyaartoyda inkastoo in la isku helo ciyaartoydaas ay aad u adag tahay.

ARTURO VIDAL:

Waxaa jira warar xan ah oo Arsenal la xiriirinaya Arturo Vidal tan iyo markii ay Juventus si xor ah kula saxiixatay Sami Khedira.

Arturo Vidal xagaagan wuxuu Bianconerri u dhaliyay 7-gool sidoo kalana wuxuu sameeyay 4-caawinaad, 28-kulan oo uu saftay horyaalka.

Wenger ayaa si ba’an u xiiseynaya Vidal isagoo doonaya inuu ku lamaaniyo Francis Coquelin si Arsenal ay xoog uga yeelato khadka dhexe.

KARIM BENZEMA

Arsene Wenger ayaa taleefoonka kula xiriiray Benzema sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska, waxaana la aaminsan yahay inuu yahay weeraryahanka kaliya oo uu ka doonayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waqtigaan.

Imaatinka Rafael Benitez ee Real Madrid ayaa suuragal ka dhigeysa in xidigaan heerka caalami uu yimado Emirates madama uu Ronaldo ka ciyaarsiin doono booska 9-aad ee kooxda.

27-jirkaan heerka caalami ee xulka Faransiiska waa xidiga sadexaad ee goolasha ugu badan ka qeyb qaatay sadexdii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay 73-gool ayuuna ku lug yeeshay (43-gool, iyo 30-caawinaad).

Benzema waxaa lagu qiimeeyaa 18 Malyan Oo Pound.

PEDRO RODRIGUEZ

Garabka Barcelona Pedro ayaan ku qanacsaneen kursiga keydk kooxda Barcelona wuxuuna doonayaa inuu isaga tago.

weeraryahanada ku bahoobay MSN ayaa qabsaday weerarka Barcelona, taasna waxey wado uu ku baxo u fureysaa Pedro oo si ba’an loola xiriirinayo Arsenal.

Pedro kaliya 15 Malyan Oo Pound ayuu kaga tagi karaa Camp Nou, Arsenal ayaana ku raad joogta iyadoo dhowr jeer isku dayday.

MARIO GOETZE

Wiilkii dhaliyay goolkii dahabiga ahaa ee ay jarmalka ku qaadeen koobka Aduunka ayaa kaliya kasoo muuqday 20-daqiiqo sadexdii kulan ee ugu dambeeyay kooxda Bayern Munich, sadex kulan oo waweyn ayeyna ahaayeen.

Wakiilkiisa Volker Struth ayaa ku eedeeyay Guardiola inuu dilay sharafta xidigaan taasna waxey la micno tahay in xidigaan uusan ku qanacsaneen kursiga keydka kooxda.

Bayern Munich ayaa lasoo saxiixatay Douglas Costa taasoo ka dhigan in Goetze aan boos looga heyn kooxda, waxaana lala xiriirinayaa Arsenal.

Wenger ayaa aad u xushmeeya da’yarkaan inkastoo lacagaha madaxiisa dulyaala ay yahiin kuwo badan hadana wuu jeclaan lahaa inuu lasoo saxiixdo.

23-jirkaan jarmalka u dhashay wuxuu ku qiimeysan yahay 49.6 Malyan Oo Pound.

GONZALO HIGUAIN

Xidig kale oo diirada u saarnaa mudo badan kooxda Arsenal waa Higuain, inkastoo dalab laga soo diiday dhawaan hadana wali Wenger wuxuu daba joogaa xidigaan qasaarada badan ee reer Argentina.

27-Jirkaan reer Argentina ayaa u dhaliyay Napoli 35-gool, 69-kulan oo uu kooxdaan u saftay labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>