Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Arsenal: Xiisaha Howedes, William Carvalho Oo Doonaya Emirates Iyo Kondogbia Oo Lagula Tartamayo

Wararka Suuqa Arsenal: Xiisaha Howedes, William Carvalho Oo Doonaya Emirates Iyo Kondogbia Oo Lagula Tartamayo


Arsenal transfer live

Starsports ayaa soo koobeysa wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay maanta ka qoreen warbaahinta kubada cagta kooxda Arsenal.

WILLIAM CARVALHO

Sida ay qortay The Sun burburiyaha kooxda Sporting Lisbon William Carvalho ayaa doonaya inuu usoo dhaqaaqo kooxda Arsenal.

Sida ay warbxinada qoreen 24 Malyan Oo Pound ayuu ku imaan karaa xidigaan waqooyiga London, waxaana 23-jirkaan heerka caalami lala barbardhigaa halyeeygii hore Arsenal Patrick Vieira.

BENEDIKT HOWEDES

Arsene Wenger ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo daafaca kooxda Schalke 04 Benedikt Howedes kaas oo ka mid ahaa wiilashii Joachim Low ee ku guuleystay koobkii Aduunka.

Sida ay daabacday Kicker oo ka mid ah warbaahinta ciyaaraha ugu afka dheer Jarmalka, Arsenal ayaa kusoo biirtay loolanka xidigaan loogu jiro.

Heshiiska uu Benedikt Howedes kula jiro kooxdiisa wuxuu dhacayaa 2017.

Sidoo kalana xidigaan waxaa heshiiskiisa lagu jabin karaa aduun dhan 12.4 Malyan Oo Pound.

GEOFFREY KONDOGBIA

Jonathan Benbaron oo ah wakiilka Kondogbia ayaa walwal galiyay kooxda Arsenal kadib markii uu ka dhawaajiyay in kooxo badan ay xidigaan ku raad joogaan.

Arsenal ayaa ku guuldareysan rabta saxiixa Morgan Schneiderlin kaas oo la filayo inuu United ku biiro haatana Kondogbia ayey weyn rabtaa kaas oo ay lasoo xariireen Inter Milan, Juventus, Man City iyo Real Madrid.

Sidoo kalana Jonathan Benbaron ayaa suuragal ka dhigay in xidigaan uu xagaagan ka dhaqaaqo kooxda France ka dhisan ee Monaco.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>