Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Arsenal: Xiisaha Karim Benzema, Dabagalkii Ay Ku Hayeen Paul Pogba & Isco Oo Lagula Dagalamayo

Wararka Suuqa Arsenal: Xiisaha Karim Benzema, Dabagalkii Ay Ku Hayeen Paul Pogba & Isco Oo Lagula Dagalamayo


Wenger

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay ay warbaahinta kubada cagta ka qortay arinta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Arsenal.

KARIM BENZEMA:

Arsenal ayaa xagaagan sameyn doonta saxiixyo waaweyn oo kooxda u sahli kara iney u tartanto hanashada horyaalka EPL-ka xagaaga soo aadan waxaana ku jira liiskaas Karim Benzema oo doonaya inuu ka tago Madrid.

Warbixino ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in Wenger uu muhiimad gooni ah siinayo Benzema isagoo koxda ka codsaday in xidigaas lasoo iibiyo.

27-jirkaan sidoo kale waxaa doonaya kooxda Man United balse Starsports ayaa sheegeysa iney arintaan ugu cad-cadahay Arsenal xili xidigaan lagu qiimeeyo aduun dhan 35 Malyan Oo Pound.

PAUL POGBA:

Arsenal ayaa ku hungowday saxiixa Paul Pogba kadib markii xidigaan reer France uu shaaca ka qaaday inuu aad u jecel yahay ku biiritaanka Barcelona halkii uu ku biiri lahaa koxaha Premier League-ga.

Starsports ayaana fahantay in Paul Pogba uu doonayo inuu buuxiyo booska uu baneynayo Xavi Hernandez isla markaan uu diyaar u yahay inuu 12-bilood sugo kooxda Camp Nou ka dhisan si uu halkaas ugu dhaqaaqo.

Wiilkii hore Man United waxaa si ba’an xiiso ugu qabay Arsenal, Chelsea, Man City iyo kooxdii ku xumeysay yaraantiisii ee Man United.

ISCO ALCARON

Arsenal ayaa dagaal xoog leh kala kulmeysa Manchester City iyadoo la isku heysto saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid Isco Alcaron.

Manchester City ayaa dooneysa iney kooxdaan waqooyiga London ka dhisan ka xoogto Isco iyadoo dooneysa iney badal uga dhigto David Silva oo la filayo inuu ku laabto kooxdisii hore Valencia.

Si kastaba warar ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in kooxda uu hogaamiyo Manuel Pellegrini ay dalab 32 Malyan Oo Pound ah u gudbiyeen Real Madrid.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>