Starsports ayaa soo koobeysa wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay maanta ka qoreen warbaahinta kubada cagta kooxda Chelsea.
KOOXAHA DOONAYA JUAN CUADRADO
Kooxaha Serie A-da ka dhisan ee Roma iyo Ac Milan ayaa isha ku haya saxiixa Juan Cuadrado oo flop ka noqday kooxda Blues inkastoo uusan fursad fiican helin.
Cuadrado ayaa bsihii January ku yimid Stamford Bridge aduun dhan 23 Malyan Oo Pound, balse xidigii hore Fiorentina ayaan wax ka badan 10-kulan sameyn mudadiisa EPL-ka.
Inuu la qabsan waayay EPL-ka waxey furtay dooq ah in xidigaan la iibiyo waxaana Starsports ay fahantay in Milan iyo Roma ay doonayaan saxiixiisa.
KOURT ZOUMA & ANDREAS CHRISTENSEN
Daafacyada da’da yar ee kooxda Blues Kourt Zouma iyo Andreas Christensen ayaa laga yaabaa iney isaga hayaaman Stamford Bridge xagaagan si amaah ah.
Sida ay qortay Dialy Mail daafaca xulka Denmark ee 21-jirada Christensen ayaa la filayaa inuu ku biiro kooxda Borrusia Monchengladbach dhawaan.
Sidoo kalana Zouma ayaa isna la filayaa inuu raaco wadadaas hadii kooxdan ay ku guuleysato saxiixa Raphael Varane oo Real Madrid ka tirsan.
RADAMEL FALCAO
Sheekada Falcao ayaa u muuqaata mid fashil kusoo dhamaan rabta madama kooxda Monaco ay dooneyso in xidigaan laga iibsado halka Blues ay iyana rabto iney sanad amaah ah heysato xidigaan ka hor inta aysan iibsan.
Falcao wuxuu xili ciyaareed fool xun ku qaatay Manchester United, taasna waxey keentay in kooxda Van Gaal ay iska celiyaan balse haatan Blues ayaa rabta iney markeeda tijaabiso.
Daily Mirror ayaana qoreysa in labada kooxood ay isku maandhaafsan yahiin qaabka xidigaan uu Blues ugu biirayo.