Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Chelsea: Loolanka Ay Ugu Jiraan Miranda, Isco Oo Lagu Heysto Iyo Halyeey Doonaya Inuu Kusoo Laabto

Wararka Suuqa Chelsea: Loolanka Ay Ugu Jiraan Miranda, Isco Oo Lagu Heysto Iyo Halyeey Doonaya Inuu Kusoo Laabto


Mourinho

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay ay warbaahinta kubada cagta ka qortay arinta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Arsenal.

JOAO MIRANDA

Chelsea ayaa kula dagaalami doonta Manchester United saxiixa daafaca reer Brazil ee koxda Athletic Madrid Joao Miranda.

30-jirkaan wuxuu heshiiska uu kula jiro kooxda uu hogaamiyo Diego Smeone kua egyahay dhamaadka xagaaga soo aadan taasoo ka dhigan in 12-bilood qura uu kaga haray qandaraaskiisa.

Daily Telegraph ayaa sheegtay in Chelsea ay diyaar u tahay tartan xoog leh oo ay la gasho koxda United madama ay wada doonayaan daafacaan dhexe.

ISCO ALCARON

Chelsea ayaa dagaal xoog leh kala kulmeysa Manchester City iyadoo la isku heysto saxiixa xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid Isco Alcaron.

Manchester City ayaa dooneysa iney kooxdaan Galbeedka London ka dhisan ka xoogto Isco iyadoo dooneysa iney badal uga dhigto David Silva oo la filayo inuu ku laabto kooxdisii hore Valencia.

Si kastaba warar ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in kooxda uu hogaamiyo Manuel Pellegrini ay dalab 32 Malyan Oo Pound ah u gudbiyeen Real Madrid.

FRANK LAMPARD

Halyeeyga Chelsea Frank Lampard ayaa doonaya inuu kusoo laabto kooxda ka dhisan garoonka Stamford Bridge maalin.

37-jirkaan ayaa xagaagan soo afjaray waayahiisa Premier League-ga madama uu ku biiray koxda New York City ee ka ciyaarta horyaalka Mareykanka.

Halyeeygaan wuxuu qiray inuusan wali go’aansan mustaqbalkiisa kadib New York City, balse meesha kama uusan saarin inuu kusoo laabto Blues isagoo buuxinaya boos muhiim ah.

Frank ayaa qiray inuu heysto dhamaan tikidhada kooxda isla markaana uu kuso laabanayo koxda hadii ay dooneyso si uu meel banaan buuxiyo.

Ugu dambeyntii hadalka Lampard ayaa ka dhigan in halyeeygaan uu door maamul ka qaban doono Blues mustaqbalka dhaw isla markaana uu usoo daawasho tagi doono ciyaaraha qaarkood.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>