Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta kubada cagta ka qoreen kooxda Chelsea
FELIPE ANDERSON
Kooxda Chelsea ayaa tartan culus kala kulmi doonta dhigeeda Man United waxeyna ku dagaalami doonaan saxiixa xidiga SS Lazio Felipe Anderson.
Xidigaan reer Brazil ee ka midka ah 21-jirada dalkiisa ayaa dhawaan heshiis shan sano ah saxiixay balse 30 Malyan ayuu kaga tagi karaa kooxda Lazio.
Sidoo kale kooxaha Manchester City iyo Barcelona ayaa doonaay wiilkaan iyadoo lasoo wariyay in Man United ay wakiilo u dirtay xidigaan talyaaniga si ay arinta usoo afjaraan.
EDEN HAZARD → CHRISTIAN BENTEKE
Super Star Eden Hazard ayaa doonaya in kooxdiisa ay soo iibsato weeraryahanka reer Belgium ee kooxda Aston Villa Christian Benteke.
24-jirka Aston Villa ka tirsan ayaa la rajeynayaa inuu xagagan isaga hayaamo Villa Park, wuxuuna doonayaa koox ciyaareysa Champions League.
Si kastaba Chelsea oo u baahan xidigii badali lahaa Drogba ayaa isha ku heysa Benteke iyadoo Hazard uu jeclaan lahaa inuu yimaado galbeedka London.
LOIC REMY
Majaladda L’Equipe ee faransiiska kasoo baxda ayaa qortay in Crystal Palace ay dooneyso saxiixa Loic Remy oo ku fashilmay inuu boos joogto ah ka helo Chelsea.
Alan Pardew ayaa doonaya inuu mar kale la midoobo Loic Remy oo uu xili amaah ku heystay.
Si kastaba Remy ayaa dhamaan tartamada oo dhan saftay 29-kulan inkastoo uusan badi kusoo bilaaban wuxuuna dhaliyay 9-gool.