Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Chelsea: Sadex Xidig Oo Laga Dirayo Blues, Falcao Oo Imanaya Goor Dhaw & Loolanka Andy Robertson

Wararka Suuqa Chelsea: Sadex Xidig Oo Laga Dirayo Blues, Falcao Oo Imanaya Goor Dhaw & Loolanka Andy Robertson


Chelsea Transfer

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta caalamka ka qortay Chelsea.

SADEX XIDIG OO LAGA DIRAYO BLUES

Chelsea ayaa diyaarineysa iney Stamford Bridge ka ceyriso sadex xidig oo ku fashilmay iney kooxda waxqabad kusoo kordhiyaan.

Saxiixa cusub ee kooxda Juan Cuadrado ayaa hogaaminaya sadexdaan xidig waxaana kusoo xiga Mohamed Salah iyo da’yarka amaahda uga maqnaa xagaagii dhamaaday ee Patrick Bamford.

Sunderland ayaa dooneysa Patrick Bamford, halka Salah iyo Cuadrado ay wada doonayaan kooxaha isku magaalada ah ee Inter iyo Ac Milan.

RADAMEL FALCAO

Sida ay qortay Daily Express kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa kusii dhawaneysa iney la saxiixato Falcao oo xili ciyaareed fashilmay la qaatay Manchester United.

Sida warbixinta lagu qoray Falcao wuxuu Blues kusoo biiri doonaa ka hor Copa America waxaana kaliya ka haray inuu bilowdo 8-maalmood.

Ismaan dhaaf yar ayaa ka jira heshiiskiisa, balse wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa aad ugu dhaw Chelsea isagaana wax walba fududeyn doona.

ANDY ROBERTSON

Chelsea waxey ku biirtay loolanka loogu jiro daafaca bidix ee kooxda Hull City Andy Robertson waxaana kula tartami doona kooxaha Arsenal iyo Aston Villa.

Steve Bruce oo tababare u ah kooxda heerka labaad u laabatay ee Hull ayaana xidigaan duldhigay madaxiisa aduun dhan 30 Malyan Oo Pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Wararka Suuqa Chelsea: Sadex Xidig Oo Laga Dirayo Blues, Falcao Oo Imanaya Goor Dhaw & Loolanka Andy Robertson

  1. Âbdâlêvîç Reply

    6-June-2015 at 3:17 pm

    Welcome radamel balse waxa habon in chelsea so iibsato garab bidix iyo ciyartoy dhexa sida koke ama pogba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>