Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa Chelsea: Saxiixa Radamel Falcao, Xaalada Cech, Loolanka Pogba & Wararkii Kale Ee Maanta Laga Qoray

Wararka Suuqa Chelsea: Saxiixa Radamel Falcao, Xaalada Cech, Loolanka Pogba & Wararkii Kale Ee Maanta Laga Qoray


Chelsea Transfer

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ay saxaafada kubada cagta ka qortay kooxda Chelsea.

RADAMEL FALCAO:

Chelsea ayaa kusii dhawaaneysa iney heshiis la gaarto xidigii xagaagii dhamaaday ku fashilmay Man United ee Radamel Falcao.

Kooxda heysata horyaalka Ingiriiska ayaa damacsan iney xidigaan soo xerogaliso xili Drogba uu kooxda ka dhaqaaqayo, Falcao ayaa dhaliyay kaliya 4-gool hal xili ciyaareed oo uu ku qaatay Old Trafford.

Ilo ku dhaw Starsports ayaa sheegay in wadahadala uu Falcao ku imaanayo Blues ay sifiican u socdaan iyadoo Mourinho uu taageero weyn u yahay xidigaan xili uu Epl-ka Flop ka noqday xagaagii tagay.

PETER CECH:

Goolhayaha halyeyga ee Chelsea ayaa ka dhawaajiyay inuusan wali go’aan ka qaaday halka uu ahaan doono xagaaga soo aadan.

33-jirkaan heerka caalami ayaa fasax u heysta inuu la hadlo kooxo kale si uu ugu dhaqaaqo kadib markii uu waayay booskiisa joogtada ah ee kooxda.

Goolhayahaan heerka caalami ayaa qiray inuu go’aan gaari doono maalmaha soo aadan mana go’aansan doono mustaqbalkiisa tan iyo kulanka ay Iceland la yeelan doonaan xulka Czech Republic 12-ka June.

PAUL POGBA

Antoine Griezmann oo weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ayaa la hadlay Paul Pogba isagoo u sheegay inuu iska diido Chelsea isla markaana uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Hadalka Griezmann ayaa imaanaya xili Mourinho uu beeniyay inuu xiiseynayo xidigaan reer France.

Si kastaba Paul Pogba ayey macquul tahay inuu qaato talada saaxiibkiisa xulka Faransiiska isla markaana uu ku biiro kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Madrid.

Ugu dambeyntiina Paul Pogba waxaa sidoo kale ku raad jooga kooxaha Man City, Man United, Arsenal, Bayern, PSG iyo Barcelona.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>