Home » Maxaa Cusub » Wararka Suuqa  Liverpool: Arimaha Sterling, Saxiixa James Milner & Wararkii Ugu Dambeeyay Ings Iyo Kovacic

Wararka Suuqa  Liverpool: Arimaha Sterling, Saxiixa James Milner & Wararkii Ugu Dambeeyay Ings Iyo Kovacic


Liverpool transfer Live

Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ay saxaafada kubada cagta ka qortay kooxda Liverpool.

RAHEEM STERLING:

Manchester United ayaa dalab 25 Malyan ah ula tagtay kooxda Liverpool oo ay ku dooneyso xidigeeda da’da yar Raheem Sterling.

Mirror ayaa cadeysay in Louis Van Gaal uu doonayo inuu Depay ku lamaaniyo Sterling iyadoo xidigaan reer England uu iska diiday inuu heshiis cusub saxiixo.

Real Madrid, Arsenal, Manchester City iyo Bayern Munich aaya sidoo kale doonaya xidigaan heerka caalami balse Van Gaal ayaa dagaalkii ugu weynaa ku jira .

JAMES MILNER:

Liverpool ayaa dhamaadka todobaadkaan soo afjareysa saxiixa James Milner, Express ayaana qortay in xidigaan uu todobaadkaan dhamaadkiisa imaan doono Anfield si uu u dhameystiro heshiiska xorta ah oo uu ku imaanayo Liverpool.

Milner ayaa iska indhotiraya heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay Manchester City oo gaaraya 165,000 kun pound todobaadkii isagoo kaliya ujeedkiisu yahay inuu boos joogto ah helo.

Inuu wax badan ciyaaro ayaa uga muhiimsan mushaarka uu qaadanayo wuxuuna doonayaa inuu Liverpool gacan siiyo xagaaga soo aadan.

DANNY INGS IYO MATEO KOVACIC

Branden Rodgers ayaa doonaya inuu Milner soo raaciyo xidigaha Mateo Kovacic iyo Danny Ings oo labaduba aad looga doonayo Anfield

Ings ayaa doonaya inuu Anfield kusoo biiro xili Burnley ay u dhaadhacday heerka labaad xili ay xiiseynayaan Real Sociedad iyo Tottenham Hotspur.

Dhanka kale Metro ayaa qirtay in Inter Milan ay 15.2 Malyan Oo Pound ku dooneyso xidiga reer Croatia ee Mateo Kovacic kaas oo ku wanaagsan ka ciyaarista khadka dhexe.

Ugu dambeyntii Ujeedka Rodgers ee uu u doonayo Kovacic ayaa ah inuu buuxiyo booska uu baneeyay Halyeey Steven Gerrard.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>