Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay ay warbaahinta kubada cagta ka qortay arinta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Liverpool.
GONZALO HIGUAIN
Liverpool ayaa u muuqata mid ay kasii dhimaneyso rajadii ay ka lahed saxiixa Gonzalo Higuain kadib markii warbixino ka imaanaya talyaaniga ay shaaciyeen in Chelsea ay si xawaare ah ugu soo biirtay loolanka xidigaan iyadoo durba 30 Malyan miiska saartay.
Sidoo kale xidigaan waxaa ku raad joogay koxaha Arsenal iyo Man United balse haatan Blues ayaa ugu cad-cad arinkan inkastoo aysan jirin sheeko rasmi ah oo arintaan la xiriirta.
Lacagaha culus oo ay soo bandhigtay Blues ayaa ka dhigeysa in kooxaha sadexda ah ee sidoo kale doonaya xidigaan ay ka quustaan saxiixiisa oo ay ka mid tahay Liverpool.
DANNY INGS
Liverpool ayaa u dhaw iney heshiis la gaarto Danny Ings oo ka tirsan kooxda heerka labaad u laabatay ee Burnley maalmaha soo aadan.
Reds waxey u baahan tahay weeraryahan ay ku xoojiso weerarka kooxda oo xagaagii dhamaaday ay aad uga liiteen INGS ayeyna u arkaan dooq fiican.
Sida ay qorayaan warbixinada ka imaanaya Ingiriiska Danny Ings wuxuu Anfield ugu soo wareegi doonaa aduun dhan 5 Malyan Oo Pound.
ANDRIY YARMOLENKO
Garabka reer Ukraine ee kooxda Dynamo Kiev Andriy Yarmolenko ayaa ka farxiyay kooxda Liverpool kadib markii uu sheegay inuu ka tagayo kooxdiisa.
Xidigaan garabka ka ciyaara ayaa xagaagii lasoo dhaafay si ba’an loola xiriirinayay Liverpool, balse nasiibka uma sacidin inkastoo haatan ay wali baahi weyn u qabaan.
“Waxaan doonayaa inan koro, wey adag tahay, mana cada meesha aan ka ciyaari doono, waxaana jira warar ila xiriirinaya kooxo fiican”
Si kastaba xidigaan reer Ukraine waxaa sidoo kale dooneysa kooxda waqooyiga London ka dhisan ee Tottenham Hotspur.
MIRELAM PJANIC
WIilka reer Bosnia ee khadka dhexe uga ciyaara kooxda As Roma ayaa niyad jabiyay Liverpool kadib markii uu sheegay inuu ku faraxsan yahay kusii nagaashaha garoonka Olympico ee magaalada Roma.
Mirelam Pjanic ayaa la hadal hayay inuu Liverpool kusoo biiri doono xagaagan isla markaana uu badal fiican u noqon doono halyeeygii ka hayaamay Anfield ee Steven Gerrard.
“Waxaan rajeynayaa inaan waqti badan sii xirnaado maaliyadan, waayo aad baan ugu faraxsanahay” ayuu yiri Mirelam Pjanic.
“Magaalada waa cajiib, kooxda waa koox weyn Jamaahiirta noloshooda waa kubada cagta”