Starsports ayaa soo koobeysa wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay maanta ka qoreen warbaahinta kubada cagta kooxda Liverpool.
MARTIN SKRTEL & RAHEEM STERLING
Macalin Branden Rodgers ayaa wajahaya halis weyn madama laga yaabo inuu waayo ciyaartoyda Martin Skrtel iyo Rahem Sterling.
Sterling ayaa u muuqda mid kooxda ka huleelaya madama uu diiday inuu heshiis cusub saxiixo waxaana ku loolamaya saxiixiisa kooxo waaweyn oo yurub ah.
Guardian ayaana sheegtay maanta in xidigaan uu hami galiyay Man United madama uu u sheegay inuu aqbalayo hadii uu dalab rasmi ah ka helo.
Dhanka kale Martin Skrtel ayaa qaadan kari waayay qorshe heshiis cusub ah oo ay usoo bandhigtay kooxdiisa isagoo ka carooday arintaan.
Skrtel ayaa wax aan la rumeysan karin ku tilmaamay heshiiska ay kooxdiisa usoo bandhigtay wuxuuna u sheegay inuu raadsanayo koox uu ku biiro.
SHURUUDDA AY KU WEYN KARAAN MILNER
James Milner ayey la saxiixatay kooxda Liverpool sida shalay la xaqiijiyay iyadoo uu caafimaad u mari doono ka hor inta uusan heshiis la gaarin kooxda wuxuuna 1-da July imaan doonaa Anfield, balse shardi ayuu xidigaan ku xiray inuu Anfield usoo dhaqaaqo oo uu dhameestiro heshiiska.
James Milner ma dhameystiri doono heshiiska uu Liverpool ugu wareegayo hadii Branden Rodgers shaqada laga raacdeeyo.
DANNY INGS
Danny Ings ayaa kusii dhawaanaya ku biiritaanka Liverpool iyadoo la sheegay inuu todobaadkaan heshiis la gali doono kooxda Anfield ka dhisan.
ALVARO ARBELOA
Jariiradda Metro ayaa shaacisay in Alvaro Arbeloa uu dib ugu soo laabanayo Liverpool xili Rodgers uu raadinayo daafac midig.
Imaatinka Danilo ee Real Madrid ayaa albaabka tuseysa daafaca reer Spain ee Arbeloa waxaana la filayaa inuu maaliyada Reds mar kale xirto.