Starsports ayaa soo koobeysa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay warbaahinta caalamka ka qortay Manchester United.
STERLING, ALVES IYO GAITAN
Sida ay qortay talkSPORT kooxda Manchester United ayaa kusii dhawaaneysa iney hesho saxiixyada xidigaha Sterling, Dani Alves iyo Nicolas Gaitan oo dhamaan diirada u saaran xagaagan.
Sida la fahamsan yahay Sterling ayaa doonaya inuu ka tago Anfield, waxaana kooxaha doonaya ka mid ah United oo dooneysa iney ka faa’ideysato fursada ay ku heli karto xidigaan.
Louis Van Gaal ayaa mar kale qarash gareyn doona aduun dhan 150 Malyan Oo Pound waxaana shabaqiisa ugu horeeya kusoo dhacay xagaagan Memphis Depay.
Alves si xor ah ayuu ku imaanaya United, halka Gaitan isna la sheegay iney goor hore heshiis la gaartay balse maahan rasmi.
AYMERIC LAPORTE
Louis Van Gaal ayaa war naxdin leh maqlay kadib markii daafacii uu ku raad joogay ee Aymeric Laporte uu heshiiska u kordhiyay kooxdiisa Athletic Bilbao.
Daafacan da’da yar ee reer France ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa afar sanadood, balse United waxey ka warqabtaa iney ku heli karto xidigaan 50 Malyan oo Euro oo u dhiganta 36.5 Malyan Oo Pound oo ah lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.
LUCIANO VIETTO
Sida ay qortay majaladda AS ee Spain fadhigeedu yahay kooxda Manchester United ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Villareal Luciano Vietto.
Dagaalka wuxuu noqon doonaa mid sadex geesood ah madama ay horay kooxaha Arsenal iyo Liverpool u doonayeen xidigaan wuxuuna xagaagan dhaliyay 28-gool dhamaan tartamada oo dhan.
Xidigaan reer Argentina waxaa lagu tilmaamaa “New Sergio Aguero” wuxuuna heshiiskiisa dhacayaa sanadka 2019, inkastoo lagu heli karo 14.3 Malyan Oo Pound oo ah lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.