Starsports ayaa soo koobeysa wararka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ay maanta ka qoreen warbaahinta kubada cagta kooxda Manchester United.
ASHLEY YOUNG:
Sida ay ku warantay Mirror garabka reer England Ashley Young ayaa la filayaa inuu heshiis sadex sano ah u saxiixo kooxdiisa.
29-jirkaan reer England ayaa si fiican uga soo hilaacay Old Trafford xagaagii dhamaaday iyadoo Van Gaal uu jecleystay inuu xidigaan kusii hayo kooxdiisa.
Ashley Young waxaa la doonayaa inuu tartan culus la galo saxiixa cusub ee kooxda Memphis Depay.
HUGO LLORIS & DANI ALVES
Louis Van Gaal ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo Hugo Lloris iyo Dani Alves sida ay ku warantay Jariiradda Metro.
Sida la aaminsan yahay De Gea ayaa kusii jeeda Real Madrid, waxaana badalkiisa iman doona Old Trafford Hugo Lloris halka Dani Alves uu si xor ah ku imaan doono kooxda.
Hugo Lloris wuxuu ku imaan doonaa United aduun dhan 30 Malyan Oo Pound, isagana doonaya inuu u ciyaaro koox Champions League ciyaareysa.
RAHEEM STERLING:
Mucaaradka heshiiska cusub ee Liverpool Sterling ayaa u sheegay Man United inuu aqbali doono hadii uu dalab rasmi ah ka helo.
Xidigaan waxaa ku raad jooga kooxaha Bayern, Real Madrid, Arsenal iyo Chelsea, balse wuxuu rajo fiican siiyay Man United oo uu dooqa koowaad ka dhigtay.
Lama hubo hadii Van Gaal uu u dhaqaaqayo balse Sterling wuxuu tilmaamay inuu kooxahas ka doranayo Man United hadii ay dalab soo gaarsiiyan.