Home » Maxaa Cusub » WARARKA SUUQA: Sterling Oo Macalin Rodgers Ku Wargaliyay Inuu Ka Tagayo Liverpool Dhamaadka Xagaagan

WARARKA SUUQA: Sterling Oo Macalin Rodgers Ku Wargaliyay Inuu Ka Tagayo Liverpool Dhamaadka Xagaagan


Sterling

Liverpool ayaa kulan xasaasi ah la qaadan doonta Raheem Sterling todobaadkaan inkastoo xidigaan uu si cad macalin Branden Rodgers ugu sheegay inuu doonayo ka hayaamida garoonka Anfield Road.l

Sterling ayaa si gooni ah ula hadlay ka hor inta aysan kooxdiisa barbaraha la galin Chelsea horaantii bisha May wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu nasiibkiisa meel kale ku tijaabiyo.

Iyadoo ay arintu sidaas tahay hadana maamulka Reds ayaa kulan kama dambeys ah la yeelan doona xidigaan si ay si dhab ah ugu ogaadaan qorshaha xidigaan heerka caalami.

Sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska Sterling ayaa beecinayay mudooyinkii ugu dambeeyay hoyga uu ka dagan yahay gobolka Merseyside waxaana sidoo kale la sheegay inuu guri ka raadinayay London taasoo macquul ka dhigeysa in xidigaan uu Chelsea ama Arsenal midkood ku biiro.

Raheem Sterling sida laga gartay hadaladiisa wuxuu doonayaa inuu kasoo muuqdo koobka horyaalada yurub ee Champions League-ga taasna waa mid ku hogaamineysa inuu isaga tago Liverpool.

Ugu dambeyntii waxaa markaana dhagta ay u taagan tahay kooxaha PSG, Bayern Munich iyo Real Madrid kuwaas oo dhamaantoodba xiiseynaya xidigaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>