Goolhaye David De Gea ayaa wali si ba’an loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid iyadoo sidoo kale la filayo in Iker Casillas uu kooxda baaqi kusii ahaado.
Majaladda AS ee kasoo baxda Spain ayaa qortay in De Gea uu kusoo biiri doono Real Madrid xitaa hadii Casillas uu go’aansado inuu kooxda sii joogo isagoo diyaar u noqonaya inuu la tartamo halyeeygaan mudada badan ku sugnaa Bernabeu.
Sida laga fahmay kooxda Man United De Gea kuma sii waari doono Old Trafford waxaana kaliya kaga haray hal sano qandaraaska uu kula joogo, sidaas darteed waxeyba baadi goob ugu sii jirtaa goolhayihii badali lahaa.
Dhanka kale Jariiradda Metro ee kasoo baxda Ingiriiska ayaa iyana qortay in Real Madrid ay diyaar la tahay aduun dhan 14.5 Malyan Oo Pound iyo daafaca bidix ee xulka Portugal Fabio Coentrao inkastoo aan la ogeyn sida au United u aqbali karto.
Daafacii hore Benfica ayaa waqti xun ku qaadanaya magaalada Madrid mkadama uusan aheyn dooqa koowaad wuxuuna aad u doonayaa inuu isaga hayaamo.
Ugu dambeyntiina De Gea wali ma gaarin go’aan rasmi ah waxaana laga wardhowri doonaa maalmaha soo socda si uu go’aan u gaaro.