Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Talaado Ah

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Talaado Ah


Transfer

 

Maalin wanaagsan dhamaan akhrsitayaasha Shabakadda Hiilkubad ee ciyaaraha, waa xiligii aad nooga barateen inaan idiin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Waxaan soo aruurinay wararkii ugu dambeeyay oo ay qoreen warbaahinta kubada cagta, dhamaan wararka xanta ah ee aan soo gudbineyno waxaan u xaglin doonaa halkii aan kasoo xiganay masuulna kama noqon doono dhabnimada ama xaqiiqada warkaas.

Hadaba Maanta oo Talaado ah wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhexmarayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaa ka mid ah:


Manchester United ayaa duldhigtay madaxa David De Gea lacag dhan 50 Malyan Oo Pound xili 24-jirkaan uu dalab ka helayo kooxda Real Madrid.

Sida ay qortay: Daily Express

Daafaca Dortmund Mats Hummels ayaa niyad jabiyay kooxaha United, Chelsea iyo Liverpool kadib markii uu ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay sii joogitankiisa Bundesliga.

Sida ay qortay: Daily Star

Daafaca West Ham Winston Reid ayaa si cad ugu sheegay kooxdiisa inuu doonayo ku biiritaanka kooxda Arsenal xili Wenger uu aad u doonayo wiilkaan.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Kooxda Wolfsburg ee ka dhisan dalka Jarmalka ayaa Chelsea diyaar ula ah 23 Malyan Oo Pound si ay kaga hesho Andre Schurrle, inakstoo Blues ay ku dooneyso 30 Malyan.

Sida ay qortay: Daily Mail

Arsene Wenger ayaa doonaya inuu qandaraas cusub ka saxiixo Francis Coquelin kadib bandhigiisa quruxda badan ee dhawaan uu soo bandhigay.

Sida ay qortay: Independent

Daren Fletcher ayaa lala xiriirinayaa inuu isaga tagi doono Old Trafford kadib markii uu dalab ka helay kooxda Valencia ee dalka Spain.

Sida ay qortay: Sky Sports

Palermo ayaa si cad ugu sheegtay k0oxaha Arsenal iyo Man United ineysan diyaar u aheyn iibka weeraryahankooda reer Argentina Paulo Dybala.

Sida ay qortay: Evening Standard

Bayer Leverkusen ayaa dooneysa saxiixa weeraryahanka flop-ka noqday ee kooxda Tottenham Hotspur Roberto Soldado.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>