Home » Maxaa Cusub » Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Xanta Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda & Xanta Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah


Foreign-Paper-Talk_2870887

Maalin wanaagsan dhamaan akhrsitayaasha Shabakadda Hiilkubad ee ciyaaraha, waa xiligii aad nooga barateen inaan idiin soo gudbino wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Waxaan soo aruurinay wararkii ugu dambeeyay oo ay qoreen warbaahinta kubada cagta, dhamaan wararka xanta ah ee aan soo gudbineyno waxaan u xaglin doonaa halkii aan kasoo xiganay masuulna kama noqon doono dhabnimada ama xaqiiqada warkaas.

Hadaba Maanta oo Arbaco ah wararkii ugu dambeeyay ee la isla dhexmarayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaa ka mid ah:


LONDON EVENING STANDARD

Manchester City ayaa u dhaqaaqeysa saxiixa macalin Branden Rodgers hadii ay ceyriyaan macalinkooda reer Chile Manuel Pellegrini xagaagan. Sidoo kalana liiska badalka macalinkaan waxaa ku jira: Simeone, Guardiola iyo Ancelotti.

Sida ay qortay: London Evening Standard

Macalinka West Ham Sam Allardyce ayaa shaaca ka qaaday in daafaciisa Winston Reid uu sameeyay dadaal dheeraad ah taasoo ka dhigan inuu xagaaga dambe sii joogi doono Upton Park.

Sida ay qortay: London Evening Standard

Kabtankii hore Manchester United Gary Neville ayaa ka walwalsan qaabka ay ku socoto kooxda Liverpool isagoo aaminsan ineysan kusoo gaari karin afarta koox ee ugu sareysa.

Sida ay qortay: Manchester Evening News

Liverpool iyo Real Madrid ayaa isku heysta weeraryahanka Villarreal “Luciano Vietto” kaas oo heshiiskiisa lagu jabin karo lacag dhan 7.25 Malyan Oo Pound.

Sida ay qortay: AS

Goolhayaha reer Czech Republic ee kooxda Chelsea, Peter Cech ayaa ka tagi kara kooxda galbeedka London ka dhisan marka uu dhamaado xagaagan madama uu lumiyay booskiisa.

Sida ay qortay: The Times.

Tababare Roberto Martinez oo ugaarsi ku bilaabay La Masia isagoo ka doonaya kooxda Barcelona xidigooda Sergio Roberto kaas oo 23-jir ah.

Sida ay qortay: Daily Mirror

Arsenal ayaa sugeysa jawaab fiican markii ay dalab ka gudbisay weeraryahanka da’da yar ee kooxda Boca Junior “Jonathan Calleri” kaas oo 21-jir ah.

Sida ay qortay: Daily Mirror

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>